Khilaafka & Muranka Doorashada ee Xiriirka Kubada Cagta Oo Saameeyay Laamaha Dowladda Federaalka

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa khilaafka & Muranka ragaadiyay Doorashada Gudoonka Xiriirka Kubada Cagta uu gaaray heer ay Dowladda ku milanto Xiisadaani oo la kala safato dhinacyada isku hayo Doorashada Xiriirka, waxaana la sheegay in Madaxtooyada ay soo fara gelisay…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in xarig jiidkaani uu u dhaxeeyo kooxo macaash doon ah oo Xiriirka ka dhigay kuwo ay leeyihiin kana dhisan magaalada Mogadishu, waxaana Qeybahaan daaha gadaashiisa ka taageeraya Wasiiro, Siyaasiyiin iyo Ganacsato Gadisley ah kuwaasoo dano ku qaba dhaqaalaha FIFA laga helo looguna tala galay in Ciyaaraha Somalia lagu hormariyo.

Kulan Qarsoodi ah oo ka dhacay Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka oo la isku soo hor fadhiisiyay Garabyada isku haya Doorashada iyo Saraakiisha Wasaarada Ciyaaraha ayaa la sheegay inuu fashil ku soo dhamaaday, loona balamay in Shirar kale la qabto, waxaana la sheegay in Xiriirka Kubada Cagta oo xaq u leh inuu qabto Doorashada ayaa la sheegay iney diidan yihiin Wasaarada Ciyaaraha iyo garab kale.

Waxeyna doonayaan iney Wasaarada Ciyaaraha doorashada maamusho, waana sababtaasi halka ay sartu ka quruntay, iyadoo sidoo kale Saraakiisha Xafiiska Madaxweynaha qaarkood la sheegay iney doorashada ka arkeen fursad ay ku boobi karaan Doorashada si dhaqaalaha Ciyaaraha loo dhaco.

240920cookie-checkKhilaafka & Muranka Doorashada ee Xiriirka Kubada Cagta Oo Saameeyay Laamaha Dowladda Federaalka