Dhulgariir Cabirikiisu yahay 7,8 ayaa ka Dhacay Konfurta Turkiga & Waqooyiga Syria

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa Dhul-gariir cabirkiisu lagu qiyaasay 7,8 ayaa ka dhacay inta u dhaxeesa Degaano ka kala tirsan Konfurta Dalalka Turkey iyo Waqooyiga Syria, iyadoo la sheegay In Dad aad u badan ku geeriyoodeen. Dhul-Gariirka ayaa laga dareemay meelo fog fog sida Dalalka Lubnaan, Qubrus iyo Masar…

Warbixino hordhac oo ay soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Turkiga ayaa sheegtay in 100-Qof la xaqiijiyey inay Geeriyoodeen, ugu yaraan 440 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana burbur xoogan soo gaaray Dhismayaal aad u badan, iyadoo Gurmadka loo fidnaayo Dadka weli ku hoos jira Guryaha dumay.

Kaaliyaha Wasiirka Caafimaadka ee Syria Ahmad Dumeira ayaa sheegay in ugu yaraan 42 qof ay ku nafwaayeen aagagga ay Dowladdu gacanta ku hayso ee waqooyiga dalkaasi, halka dhakhaatiirta goobaha ay fallaagada gacantu ku hayaan ay sidoo kale sheegeen in tobanaan qof ay Geeriyoodeen.

Shaqaale Sama-bixinta ah ayaa loo daad gureeyay Turkiga iyo Syria si ay uga soo saaraan dadka ku hoos jira burburka guryaha, “Waxaan u direynaa tacsi dhammaan muwaadiniintayada ay waxyeeladu ka soo gaartay dhul-gariirka,” ayuu madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ku yiri bartiisa Twitter-ka.

https://twitter.com/azgeopolitics/status/1622495603119779841?s=46&t=_THKzYxEtHKePa70eSuRcQ
240980cookie-checkDhulgariir Cabirikiisu yahay 7,8 ayaa ka Dhacay Konfurta Turkiga & Waqooyiga Syria