Safarka Madaxweynaha ee Sacuudiga & Xogta ku Gedaaman..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Wasiirka Arrimaha Dibada Abshir Cumar Huruuse uu gaaray Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya si uga qaybgalay shirka Wasiirada arrimaha Dibeda ee Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo hordhac u ah shirka 32-aad ee madaxda oo maalinta Jimcaha ah furmi doona…

Kulankaasi ayaa lagu wadaa in lagu soo dhaweeyo Dib ugu biirista Ururka Jasmacada Carabta ee Dalka Syria iyo arrimaha qadiyadaha taagan ee Dalalka Jaamacadda Carabta iyo kuwa saamaynta ku leh ee dunida ka dhacaya mid gaar u ah Somalia ee Deyn cafinta.

Shirka 32-aad ee madaxda Jaamacadda Carabta aya waxaa Somalia uga qeyb galaya Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo oo haatan ku sugan magaalada Doxa ee dalka Qatar kuwaasoo beri u ambabxi doona magaalada Jeddah oo shir madaxeedka uu ka furmayo.

256400cookie-checkSafarka Madaxweynaha ee Sacuudiga & Xogta ku Gedaaman..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com