Kuraasta Galmudug & Loolanka Musharixiinta

Somalia news

Dad badan waxay is weydiinayaan in Xubno badan oo Mucaarad xoogan ku ahaa Maamulka Fashilmay ee Farmaajo oo xiligaan hami ka galay iney isku sharaxaan Xildhibaanimo, kuwaasoo la isweydiinayaa iney kursi ka soo heli doonaa Magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, B/weyne iyo Dhuusa mareeb? Hadii laga horjoogsado maxaa dhici doona…

Xiligaan waxa Dalka ka socda aan doorasho lagu qeexi karin, hadana inaad kasoo dhex-baxdo mashruucaan doorashada shabaha ama aad ku dhacdo, waxay labadaas aragti loo qaadan karaan halfan gaabis ah, maxaa yeelay Markii laga hadlayo xaalka doorashada ee sanadkaan, afar dhinac ayaa laga eegayaa kursigaan, waa sida uu kuu garab taagan yahay Maamulka gacanta ku haya kursiga, Odayaasha Dhaqanka kurisga leh, Guddiyada doorashada maamulaya iyo Ergada la soo xulay.

Kuraasta Sanadkaan ugu adag waxey yaalaan Galmudug, waxaana ka mid ah Hop#138 oo Tartamayaasha ugu cad cad yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa kula tartamaaya Musharax Taardhuleed oo uu  gacan ku leeyahay Eedeysane Fahad Yaasiin oo u soo dhex-maray xubin ka mid ah guddiga doorashada Galmudug.

Sidoo kale waxaa jira nin la yiraahdo Cabdinaasir Cabdi Caruush oo sida la sheegay dooqa koowaad u ah Villa Somalia. Xubnihii kale ee u tartamaayey kursigaan waxaa la sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay u tanaasuleen.

Kursiga Hop#147 waxaa ku tartamaaya Mahad Salaad oo xiligaan degaanka ku metala & Xubno ay ka mid yihiin Cabdinaasir Geelle Cilmi oo ah Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Cali Cabdi Wardheere  & Cabdi Nuure Siyaad, Villa Somalia ayaa u muuqata in gadaal ka toogasho siyaasadeed ku sameeneyso Mahad Maxamed oo dagaalkii lala galay Ahlusuna bilo ka hor muujiyey doorkiisii looga baahnaa.

Hop-069 Waxaa ku fadhiya Cabdiraxmaan Odawaa, waxaana la sheegay in Qorqor & Villa Somalia ay kursigaan sanadkaan ka dhigaan Qoondo Haween loona xiro, iyadoo loo wado iney la siiyo Gabar degaanka ka soo jeeda balse aad u taageersan Xisbiyada Qorqor & Farmaajo.

167560cookie-checkKuraasta Galmudug & Loolanka Musharixiinta