Xoogaga Amaanka Yuhuuda Oo Xabsiga Dhigay Macallin Dhiga Maadada Taarikhda…

World

Macluumaad ayaa laga helayaa Howlgal ay ku soo qabteen xabsigana la dhigay Macallin dhiga maadada Taariikhda oo u dhashay Dalka Israel, kadib markii uu qeexay sababta ay Ururka Xamaas weerarka u qaadeen 7-dii Bishii Oktoobar ee Sanadkaan sida ay faafiyeen Boliiska Dalkaasi…

Sida laga soo xigtay “Times Of Israel” Boliisku waxey sheegeen in la xiray Macallin Taariikhda ka dhiga Dugsi ku yaal magaalada “Petah Tikva”, kadib markii uu sheegay in Ururka Xamaas ay xaq u leeyihiin weerarkii 7-dii bishii tagtay ay fuliyeen isla markaasna ay Dad badan dileen halka kuwa kalena ay qafaaleen.

Qoraalka Boliiska ayaan lagu xusin Ninka la qabtay Magaciisa, balse Shaqada laga eryay, isagoo lagu eedeeyay inuu faafinaayay dacaayad dhan ka ah Dowlada Israel, kuna sheegay iney tahay “Dowlad Gumeysi”, oo loo oggol yahay iney falal xasuuq, Barakicin iyo duqeyn ka geysato Magaalada Gaza.

Macallinkaan ayaa Jimcihii tagtay la hor geeyay Maxkamada, halkaasoo la weydiistay Garsooraha Maxkamadda Muddo xalaaleyn ah xarigiisa, isagoo oggolaaday in Maanta la mar kale la horkeeno Maxkamada si Boliiska ay wakhti ugu helaan iney Baarista sii wadaan.

287331cookie-checkXoogaga Amaanka Yuhuuda Oo Xabsiga Dhigay Macallin Dhiga Maadada Taarikhda…