Xoolo-Dhaqatada Kilinka Soomaalida Ethiopia Oo Wajahaaya Xaalado Adag

Somalia news

Warbixino Caafimaad Ayaa tilmaamaya in ka badan afar kun oo neef oo geel ah ayaa tan iyo bishii May cudur aan la aqoon ugu dhintay deegaanno dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ah. Cudurkaan ayaa cayr ka dhigay kumannaan xoolo-dhaqato ah oo geela keliya haystay, taasoo saameyn ku yeelatay noloshooda….

Qoyska Xaliimo Cabdi oo duleedka degmada Sagag ee gobolka Nogob ku dhaqanayay shan neef oo geel ah oo cudurku ka dilay horraantii ilaa bartamihii bishii hore, waxaa soo food saartay dhibaato nololeed oo ku qasabtay in ay u soo guuraan tuulada Ciidadow oo hoos timaadda degmadaasi.

Bashiir Macalin Maxamed oo kamid ah Geellayda Degaanka Malayko ee gobolka Nogob waxaa si wayn u saameeyey cudurka geela laynaya. Bashiir qoyskiisa haystay 30 neef oo geel ah wuxuu cudurka ku waayay 15.

“Ilaahay ayaa ina arsaaqi ee aamusa uun baan leeyahay, cabsi weyn baa xagga noloshasha naga soo foodsaartay, waanan cabsannay noolaan maysaan baa nagashay, haddana dadka iyo dawladdu way na wacyi-geliyeen, si fiican bay qalbiga noogu sifeeyeen, waa la idiin gurman wax baa la idiin qaban ayaa nala yidhi, intaas baa qalbiga noo dajisay.’’

124810cookie-checkXoolo-Dhaqatada Kilinka Soomaalida Ethiopia Oo Wajahaaya Xaalado Adag