Xoolo-dhaqato Bilaabeen kiraynta Geelooda si ay uga Badbaadaan Abaarta..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiis nooca cusub oo ay wada gaareen Nin Xoolo dhaqato ah oo 35-neef Geel ah ku dhaqda Miyiga Tuulada Farowayne ee degaanada Waqooyiga Somalia, kaasoo ku qasbanaaday inuu kireeyo afar ka mid ah xoolihiisa oo irmaan, markii ay saameeyeen abaaraha soo laalaabtay…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Yuusuf Cali Barre ayaa Geeliisa waxaa ka kureystay Ganacasade Xoolaha dhaqada oo Caanaha Geella iibiya, wuxuuna kula heshiiyay in halkii neef uu ku siiyo bil walba $80, Wadarta guud ee lacagta uu ka helo xoolihiisa ayaa ah $320. Qorshahan oo uu bilaabay bishii 4-aad ee sanadkaan ayaa ka caawiyay qoyskiisa inuu ka baxo xaaladdii cunno xumo ee haysay, Waxay helaan saddexda waqti ee maalintii raashin/cunno ku filan.

Yuusuf ayaa sidoo kale awooday $13 oo bishii ay wax ku bartaan labo ka mid ah caruurtiisa oo Gabdho ah, Waxay dhigtaan iskuulka hoose iyo dhexe ee Degaanka Farowayne, Geela uu kiraystay waxaa ka mid yihiin 6-Neef oo geel ah oo u dhalay sanadkan, Labo ka mid ah ayuu reebtay si carruurtiisa oo 8 ah ay u isticmaalaan caanahooda, Dhaqaalaha uu ka helo inta kale ayuu bil walba ku iibsadaa raashin uu guriga u dhigo Qoyskiisa.

Maxamuud Cabdi Xirsi oo xero geella lagu xanaaneeyo ku leh Degaanka Biyo-shiine oo 6 km u jira Hargaysa ayaa sheegay in kiraynta xoolaha ay fursad dhaqaale u tahay xoolo-dhaqatada iyo ganacsatada uu ka mid yahay, wuxuuna intaasi raaciyay in “Xoolaha uu dhaqdo oo ka kooban 28 geel ah, Shan ka mid ah isagaa ayaa leh, halka inta kale uu soo kireystay, Wuxuu xusay in caanaha uu ka liso xoolahan uu u suuq-geeyaan Hargaysa. Dhaqaalaha laga helo ayuu u qaybiyaa saddex qayb oo kala ah kirada, calafka xoolaha iyo faa’iidada u gaarka ah.

285890cookie-checkXoolo-dhaqato Bilaabeen kiraynta Geelooda si ay uga Badbaadaan Abaarta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com