Muxuu salka ku haya Khilaafka u Dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Deni?

Somalia news

Sida ay sheegayso xog loo soo dusiyay Warsidahaan, waxaa maanta lagu wadaa inuu magaalada Mogadishu Madaxweynaha Puntland Mr.Deni isaga oo ka jawaabaya casumaadda uga timid Xasan Sheekh Maxamuud, Safarkaan ayaa imaanaya xilli xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka uu hooseeyo…

Ilo wareedkaan ayaa sheegtay in Khilaafka uu salka ku hayo magacaabidda Safiirka Somalia ee UAE, Saraakiisha Hoggaamin lahayd Amniga Ciidamada dowladda Federaalka oo ka soo jeeda Puntland, waxaana uu ku doodayaa in la qaato kuwa isagu ku taliyo oo uu ka mid yahay Saciid Dheere, waxaana la sheegay inuu ku adkeystay in sidoo kale Walaalkiis (Xasan Cabdullaahi) loo magacaabo Safiirka Somalia ee UAE.

Ma cadda waxa madaxweyne Deni uu ka helaayo taliyaal amniga loo magacaabayo oo aan siyaasadda ku jirin, sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka baaqdey safar uu ku imaan lahaa Bosaso, oo laga sameeyey saldhig ciidan oo Imaaraadka Carabtu hor boodayaan taas oo war badan aan laga hayn.

Xogta ayaa tibaaxday in in haddii (Mr.Dani) uu ka baaqsado safarka ay dhici karto iney soo dedejineyso magacaabidda Taliyayaasha Laamaha Amniga ee dowladda oo ay weli Hogaanka uhayaan saraakiishii ay ka tagtey Maamulkii Farmaajo.

Dhanka kale ilo wareedyo ayaa sheegay in Saraakiisha Safaarada Mareykanka ay isla maanta dhageysan doonaan Me.Dani sababta uu uga hor istaagay 2-diyaaradood re Helicopters-ka ah ee Sahayda u sida Ciidamada Danab iyo kuwa degaanka ee isku diyaarinaaya Howlgalada ka dhanka ah kooxda Shababka, iyadoo Duulimaadka diyaaradahaasi at fasaxeen Dowlada Federaalka.

229170cookie-checkMuxuu salka ku haya Khilaafka u Dhaxeeya Xasan Sheekh iyo Deni?