Shababka Oo Suldaan Ku Caleemo Saaray Jilib

Somalia news

Kooxda Shababka ayaa horaantii sanadihii 2018-20 ugu yeertay degaano kala duwan Ee Gobolada iyo Jubooyinka dhamaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxeyna la yeesheen kulamo Odayaasha, iyagoo u gudbiyay iney Soo xulaan Xildhibaano iyaga daacad ah u ah Doorashada 2020/21…

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadda qaarkood ayaa walaac ka muujiyay in Kooxda Shabaab xubno ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda ee Somalia, Waxaana la sheegay in Magaalada Jilib Ee Gobolka Jubada dhexe ay ku qabteen Xaflad lagu caleemo saaray Suldaan ay u magacaabeen Beelaha Mudulood, kadib markii ay ku fashilmeen iney gacanta ku dhigaan Odayaasha iyo Salaadiinta Beelahaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Cabdifataax Xasan loo magacaabay Suldaanka Beelaha Mudulood Ee Gobolada Jubooyinka, waxaana xafladaasi ka soo qeyb galay Qeybaha kala duwan Ee bulshada ku nool Magaalada Jilib sida ay baahisay Warbaahinta Kooxda Shababka.

63390cookie-checkShababka Oo Suldaan Ku Caleemo Saaray Jilib