Hoobiyayaal ku Dhacay Xaafado ku dhow Villa Somalia & Khasaare ka dhashay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerar Hoobiyeyaal ah oo waaberigii saakay lagu qaaday agagaarka xarunta Madaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho, hobiyayaaahaan ayaa la sheegay in Cabsi iyo welwel uu ku reebay Dadka rayidka ah ee ku nool xeyndaabka Madaxtooyada..

Wararka ayaa sheegay in Hoobiyayaasha oo tiradooda lagu sheegay saddex ayaa jugtooda si wayn looga maqlay aaga madaxtooyada ee Villa Somalia, iyadoo la sheegaya in madaafiicdaas ay ku habsadeen xaafado ka tirsan degmooyinka Xamar-weyne iyo Boondheere, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.

Mid ka mid ah Hoobiyeyaashan ayaa ku dhacay guri ku yaala xaafadda Casa Italia ee Degmada Xamar weyne, hal ruux ayaa ku geeriyooday waxaana ku dhaawacmay sadax kale, Sidoo kale, Xaafadda Wiil-waal ee degmada Boondheere guri ku yaalla oo hoobiye kale uu ku dhacay ayuu hal qof ku dhaawacmay.

Warar kale ayaa sheegaya in hoobiye ku dhacay Masaajid ku yaala xaafadda Busley ee degmada Boondheere uu hal qof ku dhaawacmay, Xaalada ayaa hadda degan, mana jiro war ka soo baxay laamaha amaanka oo ku saabsan madaafiicdan oo la aaminsan yahay iney soo rideen kooxda Shabaabka.

211020cookie-checkHoobiyayaal ku Dhacay Xaafado ku dhow Villa Somalia & Khasaare ka dhashay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com