Dalalka Masar & UAE Oo Ciidamo u Tababaraaya Dowlada Federaalka Somalia

Somalia news

Iyadoo Ciidamada Dowlada Federaalka ay tababaro u fidiyaan Dowladaha USA (Danab), Turkiga (Gorgor iyo Haramcad), EU-da (gaar ahaan Italy) Boliiska, ayaa waxaa soo shaac baxaaya in Dowladaha Masar iyo UAE ay todobaadyaan wadaan qorshe tababar Ciidammo Soomaali ah, kuwaasoo sidoo kalena gacanta ku heyn doonaan…

Wararka ayaa sheegay in qorista Ciidamada ay si xowli ah uga socoto magaalada Mogadishu muddooyinkii u dambeeyay, waxaana gacanta loo galiyay gal diyaarinta Ciidamada xubno katirsan Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Masar iyo UAE ayaa dhawaan soo gaaray Caasimada waxeyna si dhow ula socdaan Hanaanka xulashada Dhalinyaradaan.

Si dhab ah looma oga ujeedada qorista Ciidamada ee ay wadaan Masaarida iyo Imaaraadka, balse waxaa la rumeysan yahay inay qeyb ka noqon doonaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, inkastoo Golaha Amaanka uu dhaawaan ka doodi doono Cunaqabateynta hubka ee saaraan Dalka Somalia muddo dheer isla maarkaasna aan loo oggoleyn iney yeeshaan Somalia Cudub Ciidan oo baaxad leh.

219080cookie-checkDalalka Masar & UAE Oo Ciidamo u Tababaraaya Dowlada Federaalka Somalia