Amaan darro Baahsan & Dhac Gadiidka Dowlada ayaa laga Dareemay Garoowe..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Saacadihii ugu dambeeyay ay ka dhaceen gudaha Magaalada Falal amaan darro oo baahsan iyo dhac Gaadiidka Rayidka iyo Dadweynaha, Falkaan oo lagu eedeeyay Burcad Hubeysan oo magaalada ku sugan…

Wararka ayaa sheegay in ilaa 5 Gaadiidka oo kuwa Hay’addaha Puntland leeyihiin ee isticmaala Taarikada ama Aqoonsiga (GD), ayaa Xoogag hubeysan qaarkoodna ilaalo yihiin siyaabo kale duwan u qafaasheen, kan u dambeeyey ayaa ahaa gaariga Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka inksstoo dib looga soo celiyay.

Ficiladaan ayaa kusoo beegmaya xili 2 maalin ka hor Xubnaha Mucaaradka oo kulmay ay ka wada hadleen diyaarinta iyo qeybsiga Xoogag hubeysan oo dagaal ka gala Garoowe hadii heshiis laga gaari waayo Muranka Doorashada, inkastoo ay aragtida diideen xubno badan oo madashan kujiray, haddana 3 musharax oo Gobolka Nugaal ka soo jeeda iyo xubno taabacsan ayaa sheegay iney dagaalamayaan hadii la dhaafo 8-da Jen. Xiligaasoo ay ugu eg tahay Muddo xileedka Deni.

Waxaa muuqata in Shacbiga Degaanada Puntland ay ka niyad jabsan yihiin hogaaminta Deni 5-Sano oo kale, ku darsoo Dowlada Federaalka iyo Beesha Caalamka,waxay hoos u dhigtay maqaamka Mr.Deni, kadib markii ay xiriir la samaysay Mucaaradka aan Xisbiyada ahayn, waana fariin dagaal Diblomaasiyadeed ah.

Sidoo kale, Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxaa oo ay wareysatay VOA-da ayaa u sheegay “Waxaan heshiis lagu ahayn Doorasho laguma galayo), wuxuu ahaa hadal kale oo aan farxad gelin Mr.Deni, kana soo dhex yeeray Maamulkiisa.

286870cookie-checkAmaan darro Baahsan & Dhac Gadiidka Dowlada ayaa laga Dareemay Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com