Yaa Somalia Ka Hortaagan in laga baxo Nidaamka wax ku qeybsiga Qabaa’iilka

Somalia news

Muddo 17-Sanadood kadib Dalka iyo Dadka Somaliyeed waxaa weli laheyste u yihiin hanaankii wax qaybsi ee lagu bilaabay 2006-dii kaasoo ahaa nidaamka qabiilka ku salaysan iyo kaltanka qori isku dhiibka beelaysan, Madaxweyne kasta oo la doorto wuxuu balaqaadayay inuu horseedi doono in xukunka iyo dowladnimada la daadajiyo oo shacabka xaqa u leh aayo ka talinta masiirkooda…

Nasiib darro Sheekooyinka Siyaasiyiinta Danleyda ah ayaa noqotay iney ku ilo korsadaan talaabooyinkaasi Shacabkiina dhaxalsiisay inay ka aamin baxaan Horgalada Siyaasada, gaarana heer quus ah,Hadaba waxaa iswaydiin mudan waxa hortaagan in laga hayaamo nidaamka qabiilka salaysan ee faashilka ah kaasoo horayna u soo burburiyay Qaranimadii Soomaaliyeed, iminkana qarka u saaran inuu burburiyo Nidaamka Dowladda Federaalka.

Qodobada caqabada ku ah Nidaamka qabalagi in laga guuro.

Hay’adaha iyo kooxaha kale ee ku qaraabta burburka dowladnimo

Dalaaliinta Siyaasadeed iyo Mulkiilayaasha Dowladeed

Odayaasha dhaqanka ee ku dhex milmay Siyaasadda

Nidaamka qabiilka iyo qaranimada isdiidan

Wadamada burburka dowliga ah ku yimaado, baahiyaha binu’aadanimo iyo kuwa colaadeedba haleelaan, waxaa jiro Hey’ado maxali (gudaha Dalka) iyo Caalamiba ah oo ku macaasha kuna qaraabta dhibaatada hadba dalkaasi iyo ummadaas ku habsata.

DILAALAYDA SIYAASADEED IYO MULKIILAYAASHA DOWLADEED:

Dhibaatooyinka laga dhaxlay burburkii dowladeed waxaa ka mid ah in haldoorkii hanaanka dowladeed wax ka yaqaanay iyo aqoonyahankii dadka indhaha u ahaa ay dalka ka baxeen, naftoodana iyo tan qoyskoodana ula carareen meeshii ay amni iyo nolol ka heli karaan.  Hadaba maqnaanshaha doorkii hogaanka bulshadu wuxuu ummadii dhaxalsiiyay inay ka faa’iidaysteen fursadaasi kuwo aan laaqi u ahayn, u diirnaxay dal iyo dadba, balse sidii bucsharo iyo badeecad lakala iibsanayo u arkay hogaanka dalka.

ODAYAASHA DHAQANKA EE KU DHEX MILMAY SIYAASADA:

dilaaleyda siyaasadeed iyo mulkiilayaasha dowladeed dhibka iyo hagardaamooyinka ay bulshada u gaysteen waxaa ka mid ah, inay hogaankii dhaqanka oo sharaf iyo karaamada badan ay ummaddu u haysay ku dhex mileen siyaasada, qaar ka mid ahna ay ka dhigteen jararjaro ay ku gaaraan danahooda guracan.

NIDAAMKA QABIILKA IYO QARANIMADA ISDIIDAN:

Tan iyo intii ka danbaysay burburkii dowladnimada Soomaaliyeed waxaa xoogaystay oo booskii qaranimada bedelay qabiil.  Waxaa la oran kara in markii hore duruufihii ka dhashay dagaalada sokeeye ay keeneen ama khasbeen in qofkasta beeshuu ka dhashay iyo deegaanka uu asal ahana ka soo jeeday nafta kula cararay si uu uga nabadgalo aafadii dagaalada sokeeye.

Duruufihii kharaaraa ee ummadda Soomaaliyeed  ku habsatay, kala baqa-cararkii iyo kala guurkii ay bulshadu kala hayaantay ayaa sababtay ayaan oran karnaa inay dhashaan maamul-Goboleedyo haybo reer ku salaysan iyo dowlad Federaal ah oo 4.5 ka nidaamka qabiilka ah ku salaysan.

Duruufihii kharaaraa ee ummadda Soomaaliyeed  ku habsatay, kala baqa-cararkii iyo kala guurkii ay bulshadu kala hayaantay ayaa sababtay ayaan oran karnaa inay dhashaan maamul-Goboleedyo haybo reer ku salaysan iyo dowlad Federaal ah oo 4.5 ka nidaamka qabiilka ah ku salaysan.


237740cookie-checkYaa Somalia Ka Hortaagan in laga baxo Nidaamka wax ku qeybsiga Qabaa’iilka