Balanqadyadii Beenta Xambaarsanaa Iyo Tanaasulka Farmaajo Maxaa Isku Xiray

Somalia news

Khudbaddii xalay Madaxweyne Farmaajo uu ku qirtay inuu ku qancin waayay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod ah, Qirashadaasi ayeey muhiim aheyd inuu caddeeyo Balanqaadyadii uu xiliga Doorashada sameeyay inuu ka gaabiyay sidii ay u hirgeli laheyd doorashada qof iyo cod…

Qabashada doorasho qof iyo cod waxay u baahneyd sharciyo doorasho oo heshiis lagu yahay, tirakoob iyo diiwaan gelin, xisbiyo sharciyaysan, Hey’ado Garsoor oo madax bannaan, dib u eegis Dastuur, dhaqan dimoqraadiyadeed ilaalinta xorriyadda qofka iyo xuquuqdiisa, nabadgelyo la isku halleyn karo, Xasillooni siyaasadeed, dhaqaale xooggan iyo waxyaabo kale oo badan.

Waxaa isweydiin mudan in Madaxweyne Farmaajo uu akhriyay dokumentiga halkan ku lifaaqan, oo ay diyaariyeen Madashii Hoggaamiyaasha Qaran (NLF) sannadkii 2016 si loo xaqiijiyo in sannadka 2020 dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Dokumentingan waxa uu ka mid yahay waxyaabahii Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ku wareejiyay Madaxweyne Farmaajo bishii Febraayo 2017.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo xalay sheegay, in la dejinayo qorshe dalka lagu gaarsiiyo sanadka 2024 doorasho qof iyo cod ah, haddana nuqulkaan hoos ka muuqda oo ahaa Road Map-kii Madashii Hoggaamiyeyaasha Qaran inuu iyada lee taariikhda ka beddelo, kuna wareejiyo Madaxweynaha ka dambeeya.

61810cookie-checkBalanqadyadii Beenta Xambaarsanaa Iyo Tanaasulka Farmaajo Maxaa Isku Xiray