Deni Oo Siyaasiyiin hore ku Qaabilay Magaalada Nairobi

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Mr.Saciid Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa waxaa uu halkaas kula kulmay Ra’isal Wasaarihii hore ee DFS Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’isalwasaarii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas…

Kulanka ayeey Saraakiisha Puntland ku fasireen salaan iyo booqasho isla markaasna la iska xog wareystay xaaladda Guud ahaan Amniga dalka iyo Arrimaha Siyaasadda, iyo guud ahaan howlaha ka socda dalka.

Iyagoo waxyaabaha sida gaarka ah la iskaga wareysteen Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa ka mid ahaa horumarka, Amniga, Dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadda waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur.

224390cookie-checkDeni Oo Siyaasiyiin hore ku Qaabilay Magaalada Nairobi