Abaaro & Biyo La’aan Laga Soo Sheegaayo Gobolka Gedo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmooyinks uu ka kooban yahay Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dhibaatooyin abaareed, nololeed iyo biyo La’aan baahsan ay ka taagan tahay degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolaasi, kadib markii abaar daba dheeratay iyo Colaado ay Saameyn ku reebtay dadka & Xoolaha….

Wararka ayaa sheegaya in Xaalada nololeed Ee Magalada Garbahaarey oo aad looga deyrinaayo, iyadoo Degaanada hoose yimaadaan la sheegay iney ka jirto biyo La’aan baahsan kadib markii Warihii ay qalaleen, halka ceelaashiina la sheegay iney gureen.

Sidoo kale Degmooyinka Ceel waaq, Luuq, Doolow iyo B/Xaawo ayaa la sheegay iney saameysa Abaarta iyo Biyo la’aanta waxaana u Dheer saameynta Colaada iyo dagaalada, iyadoo ay ayaan darro tahay in Mr.Farmaajo ay kaga dhegtay inuu dhaqaale badan ku bixiyo Abaabulka Colaada, isagoo aan hal ceel biyood u qodin.

Fadlan ha loo gurmado Gobolka Gedo.

98380cookie-checkAbaaro & Biyo La’aan Laga Soo Sheegaayo Gobolka Gedo