Dhaqdhaqaaqii kala duwanaa ee Shacabka ma Mogadishu oo dib u bilaawday Maanta 

Somalia news

In ka badan 30 saacadood oo ay xaalad bandow ah ku jirtay guud magaalada Muqdisho oo ay ka socotay doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Fedaraalka, waxaa saaka dib u furmay isu socodka iyo dhaqdhaqaaqyadii kala duwana ee bulshada ku dhaqan Muqdisho…

14-kii bishaan oo ku beegneyd maalintii Sabtiga ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii Taliska Boliiska ay shaaciyeen wargelinta la xiriirta bandowga xirnaashiyaha waddooyinka iyo hakinta dhaqdhaqaaqa kala duwan ee shacabka Magaalada Muqdisho, islamarkaana uu qaadmayo bandowga 16-ka bishaan May 2022 oo ku beegan maanta oo Isniin ah.

Bandowga Boliiska uu soo rogay mudadii u dhaxeysay 14-kii bishaan iyo maanta oo 16 ah ayaa Talisku shacabka Soomaaliyeed uga sii cudur daartay dadka noloshoodu ku tiirsaneyd xoogsiga ama muruqmaalka mudada uu bandowga saaran yahay Muqdisho.

Guud ahaan xaalada magaalada Muqdisho saaka waa mid jawigeeda dagan yahay maadama uu dib u bilaawday isku socodkii dadweynaha iyo gaadiidka, ayna dib u furmeen goobaha Waxbarashada iyo Ganacsiga.

188990cookie-checkDhaqdhaqaaqii kala duwanaa ee Shacabka ma Mogadishu oo dib u bilaawday Maanta 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com