5-Qof Oo Muddo Dheer Ku xiranaa Xabsiga Hargeysa Oo La Siidaayay

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya Maamulka Somaliland ayaa xabsiga kasii daysay 5 nin oo falal argagixiso ugu xirnaa Xabsiga Dhexe ee Hargaysa, kuwaasi oo qaarkood muddo 20 sano ku dhow xabsiga ku jireen, iyadoo qaar kale ay weli ku jiraan…

Xubnaha la siidaayay ayaa waxa kamid ah Cabdiraxman Indha-cadde, Daa’uud Salax Iidle, Jaamac Kuutiye iyo Cabdiraxman Diyo oo lagu helay in ay ka dambeeyeen dilal khaarajin ah, oo sanadkii 2003 lagu dilay gabadh Talyaani ah oo kalkaliso caafimaad ka ahayd Isbitaalka Boorama, iyo macalimiin ajinabi ahaa oo wax ka dhigi jiray dugsiga Sos ee magaalada Sheekh.

“Aad baan ugu mahad celinayaa dadkii soodayn tayda ka qayb qaatay, waxan xidhnaa 17 sano, cafis madaxweyne ayaan kusoo baxay, saddex nin oo saxibaday ka mid ah ayaa xoriyadooda helay” Cabdiraxman Indha-cadde ayaa sida Somali Cable u sheegay.

Waxa kale oo lasii daayay Cabdillaahi Maxamuud Yusuf oo muddo 3 sano iyo 7 bilood ah xabsiga ugu jiray dambiyo la xiriira inuu ku lug leeyahay ururka Daacish, ee ka dagaalama gobolo adduunka kamid oo Somalia ku jirto, Yusuf ayaa madaxweynaha uga mahad celiyay soo dayntiisa.

4 kamid ah raga maanta lasii daayay ayaa xabsiga la dhigay wakhtigii madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin halka ninka 5aad na la xidhay sanadkii 2017, iyadoo sidoo 3-kale oo ka soo jeeda Konfurta Somalia weli Xabsiga lagu hayo, Warar ayaa sheegay in Xubnahaan qaarkood uu damiintay Wasiir ka tirsan Maamulka Muuse Biixi.

137470cookie-check5-Qof Oo Muddo Dheer Ku xiranaa Xabsiga Hargeysa Oo La Siidaayay