Jubaland oo Joojisay in Hub lagu dhex qaato Kismaayo.

Somalia news

Maamulka Jubaland ayaa soo saartay awaamiir lagu mamnuucayo hubla lagu dhex qaato magaalada Kismaayo, “si loo xaqiijiyo amaanka magaalada” oo la filayo dhawaan in lagu qabto doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ee laga doorto Jubaland…

Afhayeenka Wasaarada Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali oo u waramayay VOA-da ayaa sheegay in awaamiirtaan loo soo saaray si loo xaqiijyo amniga doorashooyinka dalka gaar ahaan magaaladda Dekada leh ee Kismaayo.

Waxaa la go’aamiyay in askariga aan wadan ruqsad shaqo ama aan markaas shaqo ku jirin in asiga iyo qoriga la isku qabto markii OP-ga la qorana la xiriiro xerada uu ka tirsanaa sidaasna askariga loogu wareejiyo taliyihiisa si loola xisaabtamo” ayuu yiri.

“Ujeedo loo soo saaray amarka waa in la xaqiijo amniga magaaladda maadaama ay doorashooyin ka dhacayaan Kismaayo….hadii aan faahfaahiyo amarka waa in aan magaaladda lagu dhex wadan Karin hubka marka laga reebok an laamaha amniga masuuliyiinta dhamaantood waa u sheegnay”.

137510cookie-checkJubaland oo Joojisay in Hub lagu dhex qaato Kismaayo.