Xubin ka mid ahaa Ergadii soo Dooratay Agaasimaha FISA oo lagu dilay Muqdisho. 

Somalia news

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dil saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo dilkan ay geysteen kooxo Bistoolado ku hubeysan, Sida wararku sheegayaan, dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag ee Gobolka Benaadir…

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray Warsame Ismaaciil wuxuuna ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaan Mahad Salaad oo dhawaan loo magacaabay Madaxa cusub ee FISA, Ehelka marxuumka ayaa sheegay inuu maalmihii la soo dhaafay uu la kulmayay hanjabaado uga imanay kooxo Talefoon ka soo wacayay, wuxuu uu ka mid ahaa Mas’uuliyiinta xarunta ganacsi ee SomOil oo xarunteeda ugu weyn ku taalo nawaaxiga isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in Marxuumka la toogtay aroortii hore ee saaka xili uu ka soo baxay hoygiisa, wuxuuna u socday goobtiisa shaqo, rasaasta ayaa ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taasoo sababtay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

194670cookie-checkXubin ka mid ahaa Ergadii soo Dooratay Agaasimaha FISA oo lagu dilay Muqdisho. 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com