Shirkadda Dahab-shiil Oo La Gudoonsiyay Ruqsada Adeega Lacagaha

Somalia news

Bankiga Dhexe ee Somalia ayaa Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo hoos tagay Xawaalada Dhaan-shiil la guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence, Shirkadaan ayaa noqoneysa tii 2-aad Ee la gudoonsiiyo Ruqsadaan..

Ruqsadaan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay, Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Xaflada gudoonsiinta oo lagu Qabtay Hoteelka Decale ee Magaalada Mogadishu, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan una ka mid yahay Wasiirka Gancsiga iyo Warshadaha Ee Dowladda xil gaarsiinta iyo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Ee Somalia Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi, Waxaa goob joog ka ahaa Maamulaha Shirkadda Dalab-shiil Xasan Cabdi Cawad.

124370cookie-checkShirkadda Dahab-shiil Oo La Gudoonsiyay Ruqsada Adeega Lacagaha