Haween Lagu Xiray..

Uncategorized

Garab ka mid ah kuwa isku caleemo saaray Xilka Madaxtinimo ayaa Xoogaga Amaanka ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga u taxaabay gabdho, loo haysto inay wejiyada soo qarsadeen.

Xoogaga daacad u ah Garabka Farmaajo ayaa gabdhahan ka dhex qabtay gudaha Magaalada Dhuusamareeb, xilli sida la sheegay ay xirnaayeen indho shareer, Magaalada Dhuusamareeb ayaa indho shareerka looga mamnuucay awaamiir kol hore ka soo baxday Ahlu Sunada Galmudug, mudadii ay sida buuxdo uga arriminayeen magaaladaasi.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa waxay xilligaa sheegeen in tallaabadaasi ay tahay mid looga hortaggayo suurtagalnimada in loo adeegsado falal liddi ku ah nabadgelyada magaalada.

Ma cadda waxa ay Xoogaga garabka Farmaajo ka yeeli doonaan hablaha ay ku xireen Magaalada Dhuusamareeb, Hablahan oo laba ah ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay dhawaan ka yimaadeen Magaalada Muqdisho.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysa, xilli Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka dowladda, uu Saraakiisha Ciidamada faray in laga wada shaqeeyo amniga.

15350cookie-checkHaween Lagu Xiray..