Ma Dhabaa in Hoteelada, Dugsiyada & Masaajiyada Qaarkood Oo Laga Faafiyo Afkaarta Argagixisada

Uncategorized

Warbixino hordhac ayaa muujineysa in kooxda Argagixisada Shababka ay sare u qaadeen ololeheeda faafinta dacaayadaha, iyadoo culeys ku saaray Maamulada Dugsiyada Waxbarashada/Qur’aanka, Masaajida iyo Maamulada Hoteelada, kadib markii ay dib u dhacyo dhinaca dagaalada kala kulmeen Ciidamada Dowlada iyo Shacbiga hubka qaatay…

Ilo wareedkaan ayaa farta ku goday in Straateejiyadaan (Farsamadaan) cusub ee Horjoogayaasha Maleeshiyaadka argagixisada iney so hoose u diraan kooxo afkaartooda la dhacsan si loo faafiyo in Islaamka lagu soo duulay, waxaana fariimahaasi gudbiya Shaqsiyaad taabacsan.

Wararka ayaa sheegay in Shaqsiyaadkaan ay goobaha kor ku xusan ku faafiyaan eryada ah “Laguma aado Kooxdaan”, guulo been abuur ah iyo iney Weeraro qorsheysan oo ay wehliyaan koix naftood haligayaal ku qaadi doonaan goobaha dadku ku badan yahay kuwaasoo dhalin doonaa khasaare ka balaaran qaraxyadii 14-29-kii ee Isgoyska Zoobe.

Dowlada Federaalka ayaa horey u soo saartay amaro ay ka mid yihiin in la mamnuucay faafinta Dacaayadaha kooxaha argagixisada iyo qeybaha dhaqaalaha ku taageera kuwaasoo loogu hanjabay in ciqaab adag la marsiin doono, cid kasta oo isku dayda iney jebiso amarada Dowlada.

223420cookie-checkMa Dhabaa in Hoteelada, Dugsiyada & Masaajiyada Qaarkood Oo Laga Faafiyo Afkaarta Argagixisada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com