Qoraal dheer ayaa laga saaray Kulan maalmo socday Oo ay laheeyeen Midowga Musharixiinta, iyagoo dalbaday in la hakiyo doorashada Golaha Shacabka, oo ay horey u sheegeen in la boobayo, Go’aan Ayaan la ogeyn sidii ay aqbali doonaan…
Golaha ayaa sidoo kale dalbaday in la isugu yimaado shir wadatashi ah, si loo joojiyo, bay yiraahdeen, boobka, lana xalliyo tabashooyinka laga qabo sida ay ku billawdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, lana saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado.
-In Ia faafiyo Iiiska odayaasha dhaqanka 135, iyo guddi-beeleedka soo xulaysa ergada kursi kasta
-In la xaqiijiyo ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka, Ia diiwan geliyo, la faafiyo magacyadooda.
-In kursi kasta lagu tartamo islamarkaana la mamnuuco malxiiska iyo in shakhsi loo xiro.
-In goob kasta oo doorasho ay joogaan korjoogayaal Soomaali ah iyo kuwo caalami ah, iyo saxaafadda madaxa bannaan.