Musharixiin Loo Saadaalinaayo Iney Ku Soo Baxaan Kuraasta Boosaaso

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa tilmaamaya Maamulka Puntland ay ku howlan yihiin qabashada Doorashada 16-kursi oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Somalia oo lagu wado in bilowga todobaadka dambe lagu doorto magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Waxaana halkaan idin ku soo gudbinaynaa qaybta kowaad ee warbixin ku saabsan Musharixiinta loo saadaalinayo in ay ku baxaan doorashada kuraasta taalla Boosaaso.

Kursiga Hop#273 ee Beesha Ugaar Saleebaan ( Majeerteen), oo uu horay ugu fadhiyay Cabdi Maxamuud Maxamed, waxaa loo saadaalinayaa in uu ku soo baxo Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Kursiga Hop#142 ee Beesha Cali Saleebaan ( Majeerteen), oo uu horay ugu fadhiyay Maxamuud Xayir Ibraahim, waxa loo badinayaa in uu ku soo baxo Ismaaciil Shire Jaamac Buraale.

Kursiga Hop#222 ee Beesha Dishiishe, waxa horay ugu fadhiyay Cumar Ismaaciil Waaberi, waxaana loo saadaalinayaa in uu ku guulaysto Caynaanshe Yuusuf Xasan.

Kursiga Hop#169 ee Beesha Dubays (Warsangeli) ,waxa horay ugu fadhiyay Jamaal Maxamed Xasan, waxaana loo saadaalinaya in ku guulaysto Cali Mahdi Maxamed Qalato.

Kursiga Hop#083 ee Beesha Dishiishe oo uu ku fadhiyay Cabdullaahi Bile Nuur, waxaa la filayaa in uu ku soo baxo Maxamed Bahir Cali (Baxnaan Bashiir).

Kursiga Hop#158 ee Beesha Madhibaan, oo uu ku fadhiyay Cilmi Cumar Cilmi, waxaa lagu wadaa in uu ku guulaysto Mahad Colaad Maxamed.

172430cookie-checkMusharixiin Loo Saadaalinaayo Iney Ku Soo Baxaan Kuraasta Boosaaso