Falcelintii Ka Dhalatay Go’aankii Eedeysane Fahad Looga Reebay Liiska

Somalia news

Inkastoo uu Gudoomiyaha Gudfiga Doorashada Mr.Muuse Geelle Yuusuf uu soo saaray qoraal uu xilka kaga xayuubiyay Xoghayaha Guddiga Doorashada Cabdiraxman Cabdicasiis Adan, kadib markii 3-jeer digniino loo diray uu dhegaha ka fureystay…

Xil ka qaadistaan ayaa ku soo beegmeysa xili Xoghayaha uu si cad ugu takri falay awooda & Shaqada Guddiga Doorashada, isagoo muuqaal uu iska duubay ku caddeeyay ereyada ”Anagoo ah Guddiga Doorashada”, talaabadaan ayaa u muuqata mid uu ku difaacaayo Hop#086 oo laga reebay Liiska cusub ee Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad.

Maamulada Galmudug, Konfur galbeed & Hirshabelle ayaa diiday Liiska Cusub oo ay soo saareen Guddiga Doorashada & Xoghayayaasha 2-da Aqal, iyadoo Farmaajo & Fahad ay wadaan Olole cadaadis ah oo ay ku hayaan Maamulada taageersan iney diidaan Go’aanka Guddiga isla markaasna baajiyaan kulanka Shahaado siinta maanta ee Xildhibaanada cusub.

Fahad ayaa aad u doonaya inuu xasaanad ku helo Dembiyada uu geystay 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaana damac kaga jiraa inuu Xilka Gudoomiyaha Kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka noqdo si uu u maamusho Golaha Shacbiga.

179220cookie-checkFalcelintii Ka Dhalatay Go’aankii Eedeysane Fahad Looga Reebay Liiska
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com