Haweeney Ninkeedii Ku Dilay Magaalada Hargeysa

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa fal dil bareer ah oo ka dhacay magaalada Hargeysa ee Maamulka Somailand, iyadoo la sheegay in Haweeneey kamid aheyd dadka kunool halkaasi uu Ninkeeda Tooreey ku dilay…

Wararka ayaa sheegay in Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Hodan Muxumed Cabdi ayaa waxaa uu dilkeeda ka dhacay magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafadda Calaamadaha ee degmada Hargeysa, Haweenayda tooreyda lagu dilay ayaa ahayd Hooyo haysata 5 carruur ah, iyadoo haatan lahayd Uur 7-bilood lagu sheegay, ninka dilayna uu isku dayay inuu baxsaday.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay ku guuleysteen iney soo qabtaan Gacan-ku-dhiiglaha, kaasoo ku dhuumaaleysanaayay Xaafad ka mid ah kuwa magaalada Hargeysa, iyadoo lagu wado in dhawaan Maxkamad la soo taagi doono Eedeysanaha.

179250cookie-checkHaweeney Ninkeedii Ku Dilay Magaalada Hargeysa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com