Share the post "Khilaaf Ka Dhashay Lacago Lagu Soo Rogay Rakaabka ka Baxaaya Garoonka Diyaaradaha Mogadishu.."
Maamulka Villa Somalia oo Mudadii sanadka aheyd uu jiray ku fashilmay inuu Canshuuraha Dalka uu mideeyo isla markaasna Dhaqalaha ka soo xarooda Garoomada Diyaaradaha iyo Dekeda Dalka loo sameeyo nidaam heshiis lagu yahay ayaa waxaa soo baxaaya in Wasiirka Gadiidka ay go’aamisay iney dulsaartaan dhaqaale rakaab kasta oo ka dhoofaya ama ka soo dagaya garoonka Aadan Cadde…
Talaabadaan kordhinta ee Canshuurta ah ayaa waxaa ka biyo diiday Shirkadaha Diyaaradaha Dalka badankood, iyadoo Shirkadahaasu loogu hanjabay in laga joojin doono Duulimaadyada hadii ay u hogaasami waayaan baadda lagu soo rogay, horey ayaa looga qaadi Jiray Rakaabka Dibada ka yimaada 60-US$, waxaana hadda lagu soo rogay 15-US$ Rakaabka Dibada ka yimaada halka kuwa gudaha lagu soo rogay US5$.
Shirkadaha Diyaaradaha ayaa sheegay in tikidhada ay markii horeba saarnaayeen Canshuuro kala duwan oo isugu jiro kuwo Dowlada Federaalka iyo kuwo ay qaataan Maamul Gobolleedyada ay duulimaadyada ku tagaan, balse lacagahan cusub ay yihiin lacago baad ah.