Qarax Miino Oo Lagu Weeraray Sarkaal Boliis ah Magaalada Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo lagu weeraray Sarkaal Madax ka ah Saldhigga Boliiska Degmada Kaaraan, iyadoo la sheegay in Dad Rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay Weerarka Miino…

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaan uu saakay ka dhacay agagaarka Masjidka Turkiga ay dhiseen ee xaafada Jamguuriyo ee Degmada Kaaraan, Qaraxaan ayaa lagu sheegay miino soo booda ahaa waxaana lagu weeraray Gaari Boliiska iska leeyahay, iyafoo uu ka badbaaday Madaxii Boliiska Degmada Kaaraan Mr.Salaad Caraale, iyadoo ay ku dhaawacmeen Dad rayid ah oo goobta ka ag dhowaa.

164840cookie-checkQarax Miino Oo Lagu Weeraray Sarkaal Boliis ah Magaalada Mogadishu