Eedeysanayaashaan tiradoodu lagu sheegay 13 wiil oo wada Somali ah ayaa lagu helay dembiyo isugu jira Kufsi iyo tacaddi jinsi ah oo ay kula kacayeen Gabdho yar yar oo dagan Magaalada Bristol ee Boqortooyada UK…
Kooxaha Boliiska ee Baarista Dembiyada ee Magaalada Bristol oo Baarista Kiiskaan gacanta kula jirta ayaa sidoo kale baadi goobaysa 49 kale oo la tuhunsan yahay, kuwaasoo lagu eedeeyay iney qeyb ka yihiin dembiyada abaabulan.
Dhibanayaasha dhibka Loo geystay ayaa da’doodu lagu qiyaasay 13-sano jiro, Mid ka mid ah hablaha waxaa la kufsaday iyadoo 13 jir ah, waxaana habeen qura u galmooday 13 nin oo kala duwan, oo uu ku jiro nin iska socdey, waxayna baqdin ka qabtey inay halis geleeyso haddii ay Boliiska u dacwooto.
Gabar kale, waxaa lagula kacay falalka kufsiga, kadib markii ay Saraakiisha Maamulka Dowladda Hoose Dayaceen, iyadoo la dejiyey guri ku yaalla bannaanka Bristol iyada oo 16-jir ah, balse uusan garaadkeedu ka waynayn 3 sano jir.
Baarayaasha Boliiska ayaa ogaaday in Gabadhaan gurigeeda ay xarun u noqotay kala iibsiga noocyada Mandooriyaha (Drug’s), waxayna ku qasbeen iney jirkeeda iibiso, iyadoo uu tacaddigu soconayey muddo bilo ah, xitaa kaddib markii ay Dowladda Hoose u sheegtay waxa socda, waxaa xitaa isla gurigeeda lagu kufsaday gabar 14-jir ah oo iyada la dhalatay oo mar soo booqatay.