Ma Dhabaa in Dukaamadii lagu Iibin jiray Maandooriyaha Ee Caasimada ay Xirmeen

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa muujinaaya in olole gaarsiisan Dilal iyo Ugaarsi lagu bilaabay Dadka ka ganacsada Mukhaadaraadka & kuwa Isticmaala, iyadoo Burburin lagu sameeyay Dukaamo caan ka ahaa magaalada, waxaana falalkaan la sheegay iney wada geysanayaan Kooxo ay maalgeliyaan Maamulka Gobolka Benaadir & Dabley ka tirsan Kooxda Shababka…

Howlgalkaan ayaa horseeday in labadii todobaad ee u dambeeyay lagu dilay tiro kor u dhaafeysa 40-qof oo kooxaha ka ganacsada Daroogada iyo kuwa Isticmaala, waxaana falalkaan ay horseedeen iney xirmaan san-daqadihii iyo goobihii kale ee lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya.

Iyadoo hadda ay soo food saartay Dhalinyaradaa cabsi xoogan kuwaasoo qaarkood la sheegay in ehelkooda ay u dhoofiyeen Dalalka Kenya & Ethiopia, Dhalinyaradaan xaafadaha magaalada Muqdisho oo ay ku lahaayeen goobo gaar ah oo lagu iibin jiray waxyaabaha maanka-dooriya sida xashiishhka, calaqa, taabuuga iyo sidoo kale noocyada daroogada (Herion iyo Cocain) ay isticmaalaan dhallinyarada qaar.

Howlgaladaan ay wada fuliyeen Kooxda Shabaabka iyo Koox ay maalgeliyeen Maamulka Benaadir ayaa magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ku dilay in ka badan 40-qof oo u badnaa dhallinyaro kuwaasoo ay ku eedeeyeen iney ka ganacsan jireen maan-dooriyaha halka kuwa kalana ku sheegeen in ay ahaayeen ciyaal weero iyo Burcad Dadka dhacda.

246080cookie-checkMa Dhabaa in Dukaamadii lagu Iibin jiray Maandooriyaha Ee Caasimada ay Xirmeen
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com