Diidmo Ka Dhalatay Kuraasta La Xawilanaayo

Somalia news

Kadib markii dhawaan la shaaciyey liis ay ku qoran yihiin degaan doorasho oo ku asters an kuraasta Xildhibaanada Barlamaanka oo uu soo diyaariyey guddiga wadajirka ah ee labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, ayaa waxaa soo baxay cabasho la xariirta in liiskaas lagu soo qoray kuraas loo wareejiyey degmooyin aysan degaan doorashadoodu aheyn taasoo Lagu tilmaamay Musuqmaasuq…

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo degaan doorashadiisu tahay Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in Ilaa afar kursi oo beeshiisu ay leedahay liiskaas loogu soo qoray in laga soo doorto gobol kale.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa shalay ka doodayey xeerka qoondada haweenka, waxuuna Xildhibaan Xasan Yare doodaas kusoo bandhigay cabasho ay beeshiisu qabto, taas oo ah in afar kursi oo haween ay ku metelaan beeshiisa degaan kale loo wareejiyey.

Xildhibaan Cabdiraxman Dheere ayaa Kursigii Beeshiisa u wareejistay Gobolka Gedo Oo uusan dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaana la sheegay in Talaabadaan ay ka dambeeyaan Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad Yasin, Iyadoo Dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Reer Ow-Hasan Qudhub ay cabasho iyo diidmo ka keeneen boobka la diyaarshay.

“Kuraastiiba hadii la tahriibinayo oo barakacayaal laga dhigayo, guddoomiye waxaan qabaa in la joojiyo xawilaada kuraasta, beelo ayaa iska leh, guddiga soo saaray liiskaasna sumcad darro ayey ku tahay, anagana metelaadeena sharaf darey ku tahay” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

42960cookie-checkDiidmo Ka Dhalatay Kuraasta La Xawilanaayo