Ma Dhabaa In Kenya Ay Aqoonsaneyso Maamulka Hargeysa

Somalia news

Olalaha Geedi socodka aqoonsi raadiska Maamulka Gooni isu taaga Somaliland ayaa waji cusub yeeshay, kadib markii Dhowaan ay Maamulka Taiwan ay xiriir wada sameysteen, Waxaa todobaadkaan soo shaac baxay in Golaha Wasiirada Kenya dood Kulamo ka yeesheen….

Kulankaan ayaa looga dooday sidii loo aqoonsan Lahaa Maamulka Hargeysa, iyadoo uu go’aankaani saameyn weyn Yeelan doono Xiriirka ka dhaxeeya Somalia iyo Kenya, waxaana loo xil saaray Guddi farsamo oo ka soo baarandega faa’iidada iyo khasaaraha ugu jira Dalka Kenya iyo Aqoonsiga Maamulka Hargeysa.

Xogtaan ayaa u Xaqiijisay Diinah.com news in Kulankaasi uu shir-Gudoomiyayaasha Mr.Uhuuru Kenyatta, iyadoo lagu wado in Guddiga Farsamo ay daraasadooda dhowaan u gudbin doonaan Fadhiga Golaha Wasiirada Kenya, iyadoo uu saameyn ku yeelan karo Go’aankaasi Degenaashaha iyo derisnimada Labada dal ee Arrimaha is dhexgalka Bulshada iyo Geopolitical-ka.

Waxaana lagu wadaa in todobaadyada soo socda in Safar uu ku tegi doono Magaalada Nairobi Mr.Muuse Biixi Madaxweynaha Somaliland, waxaana ku wehlin doona Xubno ka tirsan Maamulkiisa lama oga inuu qaabili doono Mr.Uhuuru, inkastoo soo dhaweyntiisa ay noqon doonto Maqaamka hoose oo heer Wasiir ah.

52260cookie-checkMa Dhabaa In Kenya Ay Aqoonsaneyso Maamulka Hargeysa