Roobab Iyo Fatahaado Laga Digay

Somalia news

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ugu digtay Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool hareeraha labada webi ee Jubba iyo Shabelle cabsida laga qabo, Roobab, fatahaado iyo dabeylo la filayo inay ku soo wajahan yihiin qeybo ka mid ah dalka, iyadoo sidoo kale Wasaaradda u sheegeysa bulshada tallaabooyinka ay tahay inay qaadaan, si looga feejignaado halisyada ka dhalan karta…

Roobab xooggan ayey saadaasha toddobada casho ee soo socoto tilmaamaysaa inay ka da’i doonaan qeybo ka mid ah Goballada Koofureed iyo kuwa Woqooyi ee dalka, Sidoo kale Roobab ka da’aya buuralayda Ethiopia ayaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqdaan sare u kaca heerka Webiga Shabeelle iyo Jubba taasoo ay ka dhalan karto fatahaado ka dhaca Magaalooyinka ku hareereysan Webiyada.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa dhamaan Maamulada degaanadaasi kor ku xusan iyo dhammaan hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala degaanadaasi inay u diyaar garoobaan xaaladdan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deeganada barriga ah.

52310cookie-checkRoobab Iyo Fatahaado Laga Digay