Beesha Caalamka Oo Niyad Jab Ka Muujisay Heshiiska

Somalia news

Beesha Caalamka ayaa niyad jab ka muujiyay heshiiska doorasho ee ay gaareen Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, iyagoo qiray in heshiiskaas uu ka dhashay wada hadal Soomaali garwadeen ka tahay, isla markaana ay Soomaali leedahay, waxaana ay tilmaameen in aanay caddeyn faah faahinta geeddi socodkii lagu heshiiyay oo saamiley dheeraad ah lagala tashan karo…

“Saaxiibada Beesha Caalamka waxay iyagoo ka xun arkayaan in hanaanka la shaaciyay uu ka hooseeyo yoolkii Soomaaliyeed ee muddada dheer lagu taamayay ee ahaa cod-bixin toos ah oo lagu soo doorto xubnaha baarlamaanka ee wareeggan doorasho. Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in geedi-socodka doorasho ee 2020/21 uu noqoto mid xor ah, xalaal ah, daah-furan oo loo dhan yahay”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka.

Mowqifka Beesha Caalamka ayaa u muuqda diidmo qayaxan, kuna soo hagaagay xili Heshiiska aan weli la horgeynin Baarlamaanka, iyagoo ku booriyay iney meel mariyaan Heshiiska Ay wada Haaren.

62090cookie-checkBeesha Caalamka Oo Niyad Jab Ka Muujisay Heshiiska