Ma Dhabaa in Ciidamada Somalia ay Gacan ka Siiyeen Furashada Shaqaalaha la Afduubtay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa gaari Ambalas ah oo maalintii talaadadii ay koox Dabley ah oo ka tirsan argagixisada Shababka ka qafaasheen wadada u dhaxeysa degaanka Lafay-Ceelwaaq, iyagoo sii watay 4-qof oo saarnaa Gaariga, iyagoo kala talaabay xadka Somalia…

Wararka ayaa sheegay in Darawlka Gaariga Mr.Xasan Shacbaan uu sheegay iney u soo gurmadeen Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka kuwaasoo ka soo badbaadiyay kooxda Dableyda ee afduubatay, Gudoomiyaha Degmada Mandheera Mr. Onesmus Kyatha ayaa sheegay in Maamulka Degmada iyo Ciidamada Kenya ay si dhow ula shaqeeyaan Madaxda Degmada B/Xaawo iyo Saraakiisha Ciidamada Somalia.

Xildhibaanka laga soo doorto degaanka Lafay Mr.Maxamed Cabdiker ayaa bogaadiyay dadaalada iyo Xiriirka wada shaqeynta ee u dhaxeysa Somalia & Kenya, isla markaasna lagu furtay 4-ta qof ee Shaqaalaha Caafimaadka Kenya.

223380cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamada Somalia ay Gacan ka Siiyeen Furashada Shaqaalaha la Afduubtay