Isbedel Lagu Sameynaayo Gobolka Benadir

Somalia news

Maamulka Villa Somalia ayaa la sheegay inuu diyaariyay qorshe dib u habeyn lagu sameynaayo Qaab dhismeedka Maamulka Gobolka benadir,iyadoo lagu wado in Mr.Cali Maxamuud (Seeko) oo Xildhibaan hore ahaa aad loogu saadaalinayaa in badalo Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Banaadir…

Mr.Cali Seeko ayaa horay ula soo shaqeeyey dowladda hoose ee Xamar mar wuxuu ahaa Afhayeenka dowladda hoose, oo dhowaan la Kulmay Mr.Farmaajo isla markaasna la yeeshay Wada hadalo, ayaa loo saadaalinaaya inuu noqdo Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasada iyo Amniga Gobolka Benadir, waxaana xilkaasi xiligaan haya MrTuulux.

Isbedeladaan ayaa la sheegay inuu gadaal ka riixaayo Wasiirka 1-aad Ee Dowlada Federaalka, wuxuuna doonayaa muddo yar Ee u haran Muddo xileedka Maamulka Farmaajo iney la yimaadaan isbedel.

62040cookie-checkIsbedel Lagu Sameynaayo Gobolka Benadir