Sirdoonka Hargeysa oo Wariyayaal Ku Weeraray gudaha magaalada

Somalia news

 Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya in habeen hore howlgal caburinah oo ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ay ku bartilaameedsadeen Laba wariye oo ka hawgalada magaalada Hargeysa kuwaasoo la sheegay in jir dilo loo geystay…

Wararka ayaa sheegay in Wariyayaasha oo kala ah Cali Mahdi iyo Cabdisalaam Germany ayaa sheegay in Xubno ka tirsan Xoogaga Sirdoonka ah ay bartilmaansadeen, wuxuuna mid ka md ah Wariyayaasha sheegay “Inamo yar-yar oo aanu u malaynayno sirdoonka u shaqeeyaan ayaa nasoo daba galay, dabadeedna laba Gaari ayaa nalagu jaray, baastoolada ayaa lala soo baxay, markiiba laba xabadood ayay rideen… gaadhigi ayay igala dageen, runtii jug xoogan iyo dhaawac xoogan ayay ii gaysteen” Cabdisalaan Germany oo gacanta midig dhaawac ka muuqdo.

Ciidanka sirdoonka Somaliland ayaa si isdaba joog ah u weerara suxufiyiinta iyo siyaasiyiinta dhaliila Maamulka Muuse Biixi, Weerarkan u dambeeyay ayaa imanaya xili Mr.Biixi safar shaqo ku joogo dalka Mareykanka sidii u iibin lahaa dimuqraadiyad uu sheegay in ay biyo dhigatay Somaliland.

176730cookie-checkSirdoonka Hargeysa oo Wariyayaal Ku Weeraray gudaha magaalada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com