Dib u Dhac Farsamo Oo Soo Food Saaray Dacwadii Fahad Yasin

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qoraal uu Garyaqaanka guud ee Dowladda Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed kaga codsaday Maxkamada sare in la hakiyo dacwada  uu Fahad Yaasiin ka soo gudbiyay guddiga Doorashooyinka Federaalka…

Qoraalkaan ka soo baxay Garyaqaanka guud ayaa lagu caddeeyay in Maxkamadu ka sugto Xafiiska Garyaqaanka inta uu ka soo dhamaystirayo galka Baarista la xiriirta xogaha iyo cadaymaha looga baahan yahay kiiskaan oo ah mid maamul una baahan wakhti.

Talaabadaan ayaa dib u dhac ku noqoneysa qorshaha Fahad Yaasiin uu ku doonayay in kursigiisa si dhaqsi ah ay loogu fasaxo isagoo adeegsanaaya Garsoorayaal ka tirsan Maxkamada sare.

181680cookie-checkDib u Dhac Farsamo Oo Soo Food Saaray Dacwadii Fahad Yasin
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com