Puntland Oo U Digtay Kooxaha Abaabula Dibad-Baxa

Somalia news

Magaalada Boosaaso waxaa maalmihii lasoo dhaafay si hoose uga socday abaabulka isu soo bax ka dhan ah Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, balse Ciidamada Amaanka ayaa la dejiyay goobo horleh oo katirsan xaafadaha Magaaladaas si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa Dadka..,,

Saraakiisha Amaanka ayaa la sheegay iney si hordhac ah u heleen Kooxaha Abaabulka wada kuwaasoo dhaqaale laga soo siiyay Villa Somalia, waxaana horjooge u ah Cabdifatax Saciid Aadan ( Yac-yaco) oo la dhashay Madaxa kuxigeenka Hey’adda Nabadsugida Puntland Bashiir Goobe, isagoo degen Hoyga Madaxa Hey’adda.

Amar kasoo baxay Madaxtooyada DG Puntland ayaa lagu joojiyay isu soo baxyada sabab la xiriirta xaaladda soo laba-kacleynta xannuunka Covid-19 oo kiisas kala duwan laga helay Gobollada maamulkaas hoostaga.

Dadka ayaa looga digay in ay sameeyaan isu soo bax, qofkii lagu qabto maamulku waxa uu sheegay in uu maxkamadeynayo, maadaama amarka lagu joojiyay isu baxa uu salka ku hayo ka feejignaanta faafitaanka Covid-19.

98350cookie-checkPuntland Oo U Digtay Kooxaha Abaabula Dibad-Baxa