Danjiraha Qatar Oo Qaabilay Xubno Somaliland Ka Soo Jeeda

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Kulan qarsoodi ah oo Danjiraha Qatar Ee Dalka Kenya uu la yeeshay Xubno ka soo jeeda Xisbiyada Mucaaradka Ee Maamulka Gooni isu taaga Somaliland, iyadoo looga hadlay Qodobo dhowr ah….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Kulankaan uu ka dhacay Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya, iyadoo uu Kulankaasi Uu Danjiraha la yeeshay Xubno uu ka mid yshay Madaxa Xisbiga Ucid Mr.Feysal Cali Waraabe iyo ergo ka socota degaanadaasi. Iyadoo Ergadaan ay la kulmeen qaar kamida siyaasiyiinta Soomaalida ee ku sugan Magalaada Nairobi.

Danjiraha dalka Qatar u fadhiya dalka Kenya Mudane Mr.Jabr Bin Ali Al-Dosari oo kaashanaaya Safiirka Somalia u fadhiya dalka Ciraaq kaas oo lagu magacaabo Cabdullahi Shiikh Maxamed, Safiirkaan oo ahayd inuu fadhigiisa noqdo magalaada Baqdaad  ee dalka Iraaq ayaa waxa ku nool yahay dalka Kenya.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya qodobadii kulankaas qarsoodiga ah looga hadlay ayaa sheegay in Feysal Cali Waraabe uu sheegay in beesha Direed ee Sanadkan doonayso inay iyada u tartanto doorashada Madaxweynaha dalka Somalia oo ayan cidna marti uga  noqan, isla markaasna laga codsaday Danjiraha in dalkiisu uu ku taageero qorshaha Beelaha Direed Doorashada Xilka Madaxweynaha.

Waxaa iyadana xusid mudan in Godoomiye Cabdirahaman Ciro uu sidoo kale kulan qarsoodi ah la qaatay Danjiraha Qatar mar uu booqasho kooban ku tagay magalaada Nairobi ee dalka Kenya mudo laga joogo sadax bilood.

Dhanka kale waxaa magalaada Nairobi ku soo qul-qulaya maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada beesha Isaaq ku matalayay Baarlamaanka tobnaad iyo Wasiiradii Xilka laga qaaday, iyadoo maanta magalaada uga furmaya kulan  lagu sheegay inuu yahay kulan wadatashi ah.

69550cookie-checkDanjiraha Qatar Oo Qaabilay Xubno Somaliland Ka Soo Jeeda