Agaasimaha Isbitaalka Martiini Oo Laga Helay Cudurka COVID-19

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Agaasimaha Isbitaalka Martiini ee Magaalada Mogadishu laga helay Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus, kadib markii uu halkaasi u tagay inuu booqdo Walaalkiis oo ku xanuunsan…

Wararka ayaa sheegay in Dr.Cabdirisaaq Axmed Yuusuf Agaasimaha Isbitaalka Martiini laga helay Cudurka safmareenka Covid-19, isagoo horey ugu dhacay lagana daaweeyay, wuxuuna halkaasi u tagay si Uu Walaalkiis oo xanuunsan uu kili ugu bixiyo, wuxuuna intaasi raaciyay inuusan dareemin inuu cudurka ku dhacay.

Dr.Cabdirisaaq ayaa sheegay inuu ku karantiilan yahay Isbitaalka ilaa uu ka boqsado Cudurka isla markaasna uu u bixiyo Kilida Walaalkiis uusan ka soo tegi doonin Dalka Turkiga, wuxuuna ka codsaday walalaha Soomaaliyeed iney ducada ku taageeraan.

131960cookie-checkAgaasimaha Isbitaalka Martiini Oo Laga Helay Cudurka COVID-19