Madaxweynayaashii Hore Oo Shuruudo Ku Xiray

Somalia news

Macluumaad ayaa ka soo baxaaya kulankii saacadaha qaatay ee dhaxeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Sheekh Axmed ayaa aad looga hadlay arrimaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaan ayaa isku soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, doorashada, khilaafka siyaasadeed iyo arrimaha Covid-19. Inta badan qodobada ayaa la isku afgartay markii laga reebo arrimaha doorashooyinka oo aan wali la cadeynin sidey u dhici doonto.

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Madaxweyaashii Hore ay khadka talefonka kula hadleen Farmaajo, iyagoo aan raalli ka aheyn, kadib markii uu Gudoomiyaha Mursal ku wargeliyay.

Labada madaxweyne Hore ayaa si adag uga Hadlay xaalada amni iyo qabanqaabada doorshada, waxeyna u caddeyeen iney aad u saluugsan yihiin Qaabka Wax u socdaan.

Mr.Xasan Shiikh iyo Shariif ayaa soo bandhigay shuruudaha hoosta ku xusan.
– In aan la aqbali karin in la qabto doorasho aysa raalli ka aheyn maamul goboleedyadda,
-In aysan aqbalaneyn qabsoomidda doorasho aan nuuceeda lagala tashan Xisbiyadda.
-In doorashadda aan dib loo dhigi karin muddo kororsi iska daaye.

Madasha Xisbiyada ayaa la filayaa iney soo saaraan war-saxaafeed ay kaga hadlayaan qodobadii ay kala hadleen guddooniyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya waxaase ka horreeya kulan kale oo ay yeelan doonaan dhammaan mas’uuliyinta Madasha Xisbiyada Qaran.

40390cookie-checkMadaxweynayaashii Hore Oo Shuruudo Ku Xiray