Ma Dhabaa In Kursiga Hop#124 Oo Muran & Mugdi Hareeyeen

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Kursiga Hop#124 uu xiligaan ku metelo Beesha Sheekhaal (Qudub) Xildhibaan Cabdiraxman Dheere oo in muddo dadaal ugu jiray sidii kursigaasi loogu wareejin lahaa Magaalada Garbahaarey, Ayaan haatan bilaabay inuu ku qoro Shaqsi kale….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Xildhibaan Cabdiraxman Dheere (Alias Xasan Dhuxul) oo ah Gacanyaraha Adeege Fahad Yasin ku Fashilmay inuu Kursiga Hop#124 ka wareejiyo Magaalada Kismaayo, ayaa haatan diyaariyay qorshe kale oo kursiga ku qoray Nin magaciisa lagu soo gaabiyay Abuubakar oo madax ka ah Qatar Charity.

Qorshaha Xasan Dhuxul ayaa ah in Shaqsigaan uu ku guuleysto Kursiga kadibna ku wareejiyo, iyadoo la sheegay in Sheekh Axmed Madoobe uu diiday in Kursiga laga wareejiyo Magaalada Kismaayo, iyadoo Farmaajo iyo Fahad ay dadaalo badan ku bixiyeen sidii kursigaasi loo geyn lahaa Magaalada Garbahaarey.

Odayaasha Dhanka Ee Beesha ayaa la sheegay iney ka digeen Qorshaha uu wado Xasan Dhuxul waxeyna sheegeen ineysan oggolaan doonin in kursiga loo xiro shaki aan Beesha waxba u qaban 8-tii sano Ee ugu dambeysa, iyagoo sheegay iney Musharax kale u soo sharixi doonaan.

134780cookie-checkMa Dhabaa In Kursiga Hop#124 Oo Muran & Mugdi Hareeyeen