Madaxweynaha Oo Safar Degdeg ah ugu Ambabaxay Dalka UAE..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa xaqiijinaaya in Madaxweynaha Somalia uu Saakay safar qarsoodi ah ku ugu baxay Dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, safarkaan ayaa ah mid qarsoodi ah oo aan si rasmi ah loo shaacin, waana safarkii afaraad oo Madaxweynuhu ku tago dalkaas muddo sanad ah oo uu xafiiska joogo…

Safarkaan uu Madaxweynaha saaka ugu ambabaxay Dalka UAE ayaa ku soo aaday maalmo kadib markii uu booqasho rasmi ah ku kala tagay Dalalka Qatar & Saudia Arabia halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay, Xogo ayaa sheegaya in safarkan oo ahaa mid aan qorsheysneyn uu ka yimid dhinaca UAE, iyadoo Wararka qaar ay sheegayaan in Dowlada UAE ay ka carooday Safarkii Madaxweynaha ee Dalka Qatar.

UAE ayaa la sheegay ineysan bixin Dhaqaale badan oo ay u balnqaaday Dowladda, waxeyna arrintaasi soo dadajisay in Maamulka Muqdisho ay u qeyla dhaansato Dalalka Khaliihka Qatar oo ay ishayaan Imaaraatka Carabta.

257120cookie-checkMadaxweynaha Oo Safar Degdeg ah ugu Ambabaxay Dalka UAE..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com