Agaasimihii Garoonka JKAirport oo Shaqadii Laga Joojiyay & Sababta.

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Maareeyihii (Alex Gitari) garoonka diyaaradaha  Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa shaqada laga joojiyay, kadib markii saacado ey maqneyd korontada garoonka, taasoo keentay in dad badan ku xayirmaan gudaha garoonka…

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaadiidka dalka Kenya, Mr.Kipchumba Murkomen ayuu ku sheegay inaan loo dul qaadan karin, isagoo intaasi raaciyay in faragelinta siyaasadeed ay horseeday in shaqada garoonka laga niyad jabo, isla markaana habacsanaan ay dhacdo, taa uu tilmaamay in ay saameesay guud ahaan shaqadii garoonka.

Wasiirka ayaa raaligelin ka bixiyay caqabadihii ka dhashay koronto la’aanta, iyadoo la sheegay in koronto la’aan baahsan ay soo wajahday, waxa ayna koronto la’aanta saameysay shaqooyin badan ay ku jiraan garoomada iyo isbitaalada, mana sharxin shirkadda kotrontada waxa keenay in koronto la’aan dhacdo.

274250cookie-checkAgaasimihii Garoonka JKAirport oo Shaqadii Laga Joojiyay & Sababta.
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com