Is-Rasaaseyn ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Laas caanood

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaaseyn Saakay aroortii ka dhacday garoonka doyaaradaha ee magaalada Laascaanool ee Gobolka Sool, inta la xaqiijiyey 4 qof ayaa ku dhaawacmay, iyadoo saraakiisha Amaanka ay ku baxeen isku dhacaani…

Wararka ayaa sheegay in Kooxo qaadwalayaal ah ayaa isku rasaaseeyey garoonka kadib markii la isku qabtay diyaarad siday qaad oo labada dhinac ay isku maandhaafeen imaanshaheeda, tuhunkaasi uu ka dhashay Isku dhacaani.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradii siday qaadka ay qudheeda xabado ku dhaceen iyadoona isla markiiba garoonka dib uga duushay, Muddooyinkii u dambeeyey waxaa jiray muran la xiriiira soo dejinta qaadka Miirooga ee ka yimaada dalka Kenya kaasi ay isku hayeen ganacsatada qaadka.

211330cookie-checkIs-Rasaaseyn ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Laas caanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com