Liiska Xubnaha DF U Matalaya Gudiga Farsamada

Somalia news

Golaha wasiirrada ayaa ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashootinka dalka, iyadoo ay Soo bandhigeen 6-da Xubnood ee u matalaaya Maamulka Farmaajo….

Qodobka 5aad ee war-murtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu qeexay dhisida guddi farsamo oo ka baaraan dega talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Xubnaha guddiga oo golohu sida aqlabiyadda leh ku meel mariyay ayaa ka kooban 16 xuboon oo lix kamid ah ay ka imaanayaan dowladda federaalka iyo maamulka gobalka Banaadir iyo 10 xubnood oo dowlad gobaleedhada min laba uga imaanaya.

Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa ku ballansan shir kale oo ka dhaca Dhuusamareeb kaas oo lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka.

51150cookie-checkLiiska Xubnaha DF U Matalaya Gudiga Farsamada