Gudoomiyihii Degaanka Ceel macaan oo Xabsiga la dhigay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kolonyo Gaadiid oo ka tirsan Hay’adda NISA kana baxeen magaalada Muqdisho ayaa soo qabtay Faarax Kuulow oo ahaa Gudoomiyaha degaanka Ceel-macaan ahna Xubin ka tirsan Golaha degaanka ee degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe….

Wararka ayaa sheegay Faarax Kuulow aya loo xiray inuu leeyahay hubkii lagu dilay labo Haween ah iyo wiil saqiir ah, dil wadareedkaasi oo dhawaan ka dhacay Warsheekh, iyadoo ay dilkaasi fuliyeen xubno ka tirsan qoyskiisa, muddana loo qabtay inuu u soo gacan geliyo Hey’adaha Amaanka kana baaqsaday.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in Guddoomiyaha la xiray wiilkiisa curadka ah iyo mid kale oo uu adeer u yahay oo heystay hubka Guddoomiyaha ay dilkaas fuliyeen, ayna baxsadeen kuna dhuumaaleysanayaan inta u dhaxeysa degaanka Ceel macaan ilaa Warsheekh.

228740cookie-checkGudoomiyihii Degaanka Ceel macaan oo Xabsiga la dhigay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com