Weeraro Gaadmo ah oo lagu Qaaday Saldhigyo Boliis Oo ku Yaal Wajer

Africa News Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar gaadmo ah oo shalay Koox Dabley ah oo lagu tuhmaayo iney ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Shababka oo weerar gaadmo ah ku qaaday Saldhig Boliis oo ku yaal Ismaamulka Wajir ee Gobolka Waqooyi-Bari Kenya…

Wararka ayaa sheegay iney weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 2-Askari oo Saldhigga Boliiska ka tirsan, sidoo kale koox kale ayaa la sheegay iney Weerar ku qaadeen isla markaasna gubeen 3-Gaari iyo 5-Mooto, kadib markii ay weerar ku qaaden degaanka Konton, weeraradaan qorsheysan ayeey u badan tahay iney saameyn iyo Cabsi gelin ku yeelato Doorashada Dalka ka dhaceysa maanta.

Kooxahaan ayaa la sheegay iney markii ugu horeysay bartilmaameed ka dhigteen Gadiidka & Mootooyinka Dadka Rayidka oo wadada drgaanada hoos yimaada Wajer, sidoo kale Abaarihii 15,00 ee Shalay galab ayaa kooxo watay Mootooyin ku weerar Saldhigga Boliiska ee Korof Harar kuwaasoo qarxiyay qeybo ka mid ah Xaruntii Boliiska waxeyna dhaawacyo kala duwan u geysteen Askar Saldhigga Boliiska.

206660cookie-checkWeeraro Gaadmo ah oo lagu Qaaday Saldhigyo Boliis Oo ku Yaal Wajer
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com